Wasiirka Wasaaradda Qorshenta XFS oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddaas.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa K/S Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...