Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga, kaasi oo loogu hadlayay u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha Wada-shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Gaashaanle Sare Maxamed Carabow Cali iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gaadhaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha Laamaha Amniga ee Degmooyinka dhaca qeybta Bari in ay dardargaliyaan Horumarinta Degmada, sida Nadaafada, Bilicda, Dib-u-dhiska, wax ka qabashada kiisaska Amniga, Cayaal weerada iyo in iskaashi buuxda laga wada yeesho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...