Gudddoomiye Madaale oo kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre

Date:

Gudddomiyaha G/Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa uga mahadnaqay Dawladda Mareeykanka taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada Amniga, gargaarka iyo Horumarinta isagoo si gooni ah u bogaadiyay hawlihiii horumarineed oo ay heyโ€™adda USAID  ay Sanadihii danbe ka sameeysay Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa la wadaagay Guddomiyaha Gobolka sida ay Dawladda Mareykanka ugu goโ€™antahay sii wadista taageeerada Soomaaliya isagoo dhanka kale la wadaagay Guddomiyaha Gobolka talooyin la xiriira arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo sida loo xoojin karo iskaashiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale