Qatar oo xoojineyso xiriirka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Date:

Munaasabad lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” oo ka dhacday Magaalada Muqdisho kana qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & madax kale oo dalkaas ka socotay ayaa lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa & Muqdisho.

Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi ayaa sheegay in Dalkiisa uu xoojinayo dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha & Dhaqanka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Qatar isaga oo sheegay in Dooxa ay garabtaagan tahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dalkiisa uu sanadkaan 2022 martigeliyay Koobka Adduunka 2022 oo hadal heyn badan dhaliyay, fariin uu ka waday Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad ayuu la wadaagay Mas’uuliyiinta uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ah” Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa oo dhankiisa jeediyay khudbad uu uga hadlay xiriirka labada dal, kaalmada Qatar ee Soomaaliya & danaha ay wadaagaan ayaa bogaadiyay dedaalka ay bixineyso Xukuumadda Dooxa.

Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay in Qatar ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya Koobka Adduunka, isaga oo sheegay in si wanaagsan oo soo jiidasho leh in ay u martiqaadeen daneeyaasha Kubadda Cagta, ciyaartoyda & Madax kale.

“Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin” RW Xamsa Cabdi Barre.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo inkasta oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, qayb waa qabyo halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye, Dooxa ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...