Markab Laga Leeyahay Liberia Oo Badda Lagu Dhex Qarxiyay.

Date:

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AP, weerar loo adeegsaday diyaarad laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa habeenkii xalay weerar ku qaadday Markab nooca shidaalka ah oo marayey Biyaha dalka Cummaan. Markabkan oo uu ka babanayey calanka dalka Liberia. Markabkan oo lagu magcaabo Pacific Zircon ayaa siday shixnad shidaal oo aad u badan.

Waxana la soo werinayaa in uu soo gaadhey khasaare baaxad leh ka dib markii ay gubteen qaybihii uu qaraxu ka haleelay.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegtay weerarkan khasaaraha geystay, hayeeshe kooxda Xuutiyiinta oo aaggaas ka ag dhow ayaa marar badan sameeyey weeeraro noocan oo kale ah kuwaas oo lagu beegsaday Maraakiibta Shisheeye ee maraya Biyaha Badda cas.

Weerarada noocana ayaa ah kuwo saamayn ku yeesha qiimaha Shidaalka ee Caalamka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...