Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay shirweynaha saxaafadda caalamka.

Date:

Abu Dhabi, 15 November 2022:Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa manta magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley furitaanka Shirweynaha Saxaafadda Caalamka (Global Media Congress). Shirkan waxaa si rasmi ah u furya R’’iisul Wasaare Ku Xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan.

 

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa wasiirro, danjireyaal, madaxda sare saxaafadda caalamka, shirkadaha warbaahinta, hal abuureyaasha saxaafadda iyo arrimaha bulshada.

Shirkan ayaa ajendaha ugu weyn ee looga doodayaa uu yahay sidoo loo dardargelin lahaa jiheynta isbeddelka ku dhacaya saxaafadda iyo qalabka warbaahinta, marka loo eego horumarka dhanka tiknoloojiyadda iyo xawliga saameynta baraha bulshada. Dib u qaabeynta mustaqbalka warbaahinta, awoodda muuqata ee wacyigelinta iyo dhaqaajinta isbeddelada ee warbaahinta , fursadaha maalgashi ee warbaahinta casriga, dhiirigelinta iyo taageerada hal abuurka ee dhalinyarada ku soo biiraya warbaahinta , in warbaahinta dowladda ay noqoto mid si daah furan uga waranta waxqabadka dowladaha iyo qodobo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu falanqeyn doono shirkan.

 

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis ayaa waxaa uu shirkan ku tilmaamey mid la jaanqaadaya isbeddelada muuqda ee ku dhacaya warbaahinta iyo saxaafadda inteeda kaleba, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii isbedeladaasi loogu lifaaqi lahaa marxaladaha haatan jira ee muuqda.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wufuuddii ka soo qeybgashey shirka. Mas’uuliyiinta uu Wasiirku la kulmya waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuriyadda Seychelles Mudane Ahmed Afif, Wasiirka Warfaafinta Bahrain, Dr. Ramzan bin Abdullah Al-Naeimi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Imaaraadka, Mohammed Jalal Al Raisi iyo wakiilo ka socday Sacuudiga, Kuwait, Oman, Comoros iyo India.Abu Dhabi,

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...