Biden: “Lama gali doono Shiinaha dagaal hor leh oo qabow”

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday inuusan jiri doonin dagaal qabow oo cusub oo dalkiisu la galo Shiinaha, kaddib kulan wada xaajood ah oo ay yeesheen dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan aaminsaneyn in Shiinuhu uu xoog ku qabsan doono Taiwan.

“Marar badan ayaan la kulmay Xi Jinping, wada hadallo furan ayaa ina dhexmaray, ma filayo in uu jiro isku day cad uu Shiinaha ku weerarayo Taiwan” ayuu yiri Biden.

Wuxuu ahaa shirkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee ay yeeshaan labadan hoggaamiye ee awoodda badan tan iyo markii uu Biden xilka qabtay.

Labadan hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda Kuuriyada Waqooyi iyo duullaanka uu Ruuhska ku qaaday dalka Ukraine kadib markii ay ku shireen jasiiradda Bali ee dalka Indonesia.

Shiinaha wuxuu bishii August dhoolatus militeri ka sameeyay deegaannada ku hareereysan jasiiradda Taiwan.

Dhoolatuskan militeri ayaa ka dambeeyay markii Shiinaha uu ka carooday markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tegtay halkaas.

Shiinuha waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go’ay oo ugu dambeyntii hoos iman doona maamulka Beijing. Laakiin Taiwan waa jasiirad iskeed madaxbanaani ugu dhawaaqday oo isu aragta in ay ka duwan tahay dhul weynaha Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...