Biden: “Lama gali doono Shiinaha dagaal hor leh oo qabow”

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday inuusan jiri doonin dagaal qabow oo cusub oo dalkiisu la galo Shiinaha, kaddib kulan wada xaajood ah oo ay yeesheen dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan aaminsaneyn in Shiinuhu uu xoog ku qabsan doono Taiwan.

“Marar badan ayaan la kulmay Xi Jinping, wada hadallo furan ayaa ina dhexmaray, ma filayo in uu jiro isku day cad uu Shiinaha ku weerarayo Taiwan” ayuu yiri Biden.

Wuxuu ahaa shirkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee ay yeeshaan labadan hoggaamiye ee awoodda badan tan iyo markii uu Biden xilka qabtay.

Labadan hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda Kuuriyada Waqooyi iyo duullaanka uu Ruuhska ku qaaday dalka Ukraine kadib markii ay ku shireen jasiiradda Bali ee dalka Indonesia.

Shiinaha wuxuu bishii August dhoolatus militeri ka sameeyay deegaannada ku hareereysan jasiiradda Taiwan.

Dhoolatuskan militeri ayaa ka dambeeyay markii Shiinaha uu ka carooday markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tegtay halkaas.

Shiinuha waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go’ay oo ugu dambeyntii hoos iman doona maamulka Beijing. Laakiin Taiwan waa jasiirad iskeed madaxbanaani ugu dhawaaqday oo isu aragta in ay ka duwan tahay dhul weynaha Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...