Wasaarada Arimaha Gudaha XFS oo war kasoo saartay Sheekh caan ah oo Xalay Khawaarijta Al-shabaab ku dileen Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane  Axmed Macallim Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay loo geystay Sheekh Cabdi Caziz Maxamed Xersi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka masjidka Dabaqaynka, ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasiir Axmed Fiqi ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelladdii iyo qaraabadii uu ka baxay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo tirsanaa Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kalana ahaa Imaamka masjidka Dabaqaynka.

 

Khawaarijta, si ka baxsan dhaqanka Islaamka, dardaaranka nabiga iyo akhlaaqiyaadkaba waxaa weligoodba caado u aheyd in ay culimo iyo caamaba ku dhex dilaan masaajidyada Eebe.

 

 

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa tagay goobta lagu dilay Sheekha, iyagoona intaas kadib sameeyay howlgal lagu baadi goobayey dadkii geystay dilka, in kastoo aan gacanta lagu dhigin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...