Wasaarada Arimaha Gudaha XFS oo war kasoo saartay Sheekh caan ah oo Xalay Khawaarijta Al-shabaab ku dileen Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane  Axmed Macallim Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay loo geystay Sheekh Cabdi Caziz Maxamed Xersi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka masjidka Dabaqaynka, ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasiir Axmed Fiqi ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelladdii iyo qaraabadii uu ka baxay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo tirsanaa Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kalana ahaa Imaamka masjidka Dabaqaynka.

 

Khawaarijta, si ka baxsan dhaqanka Islaamka, dardaaranka nabiga iyo akhlaaqiyaadkaba waxaa weligoodba caado u aheyd in ay culimo iyo caamaba ku dhex dilaan masaajidyada Eebe.

 

 

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa tagay goobta lagu dilay Sheekha, iyagoona intaas kadib sameeyay howlgal lagu baadi goobayey dadkii geystay dilka, in kastoo aan gacanta lagu dhigin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...