Wasir Fiqi oo QM kala Hadlay Taakulaynta Dadka Soomaaliyeed.

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wasiiru dowlaha mudane Ilyas Ali Hassan ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan gaar ah kula yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, ee qaabilsan iskuduwista arrimaha gargaarka iyo banii’aadnimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray xasillinta, iskudubaridka gargaarkaa, howlaha banii’aadnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay hortabinnada xukuumadda, howlaha xasillinta ee dalka gaar ahaan goobaha laga xoreeyey Khawaarijta iyo arrimo kale.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu ku dheeraaday xaaladda abaaraha, sida ay wasaaradiisa uga go’antahay iskuduwista gargaarka iyo howlaha banii’aadnimo iyada oo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka loo marayo hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Dhankiisa, ku xigeenka xogheyaha guud ee Soomaaliya Mr.Adam Abdelmoula oo isna kulanka ka hadlay ayaa wasiir Fiqi iyo wasaaraddiisa ku ammaanay bahwadaagnimada iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hey’adaha UN-ka isaga oo intaa raaciyey in ay ka go’antahay ka qaramada midoobey ahaan inay ku shaqeeyaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda sida xasiilinta, gargaarka iyo howlaha banii’aadnimada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...