Khawaarijta Oo Lagala Wareegay Wabxo.

Date:

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo 15 sanno ka badan ay shacabka ku dhibaateyn jireen argagixisada.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.

Sidoo Kole Wasiirka Gaanshaandhigga XFS abduqaadir Mohamed Nuur Jaamac ayaa Xaqiijiyay Lawareegidda Deegaanka Wabxo Wuxuuna Qoraal oo Bartiisa Facebook Ku Qoray Ku Xusay in Alshabaab isaga Carareen Deegaanada lagala Wareegay.

“Carar badnaa Khawaarijtu, Guulaysta Geyshkayagoow” ayuu Yiri Wasiirku.

Gobolka Galgaduud alshabaab waxaa kaga Furmay Dagaal 3 Jiho ah oo aysan u Babac Dhigi Doonin Awoodda Gulufka Xoogga Dalka iyo Kacdoonka Shacabka Is Abaabulay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...