Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo Xaflad soodhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Garoowe

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan qaar kamida wafdigiisa ayaa ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ah ay u sameeyeen wafdiga Guddoomiyaha ayaa odayaasha dhaqanka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka ku nool magaalada Garoowe ee ka soo jeeda deegaannadda Koonfur Galbeed.

Ganacsatada iyo Odayaasha dhaqanka ee ku nool deegaannada Puntland kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in si wadajir loogu wada shaqeeyo horumarka dalka gaar ahaan deeggaannada ay ku nool yihiin iyo kuwa ay ka soo jeedaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa boggaadiyay bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool Garoowe iyo guud ahaan Puntland ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarka deeganada Puntland iyo guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...