Wasiirka Amniga Galmudug oo booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug

Date:

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Galmudug ee dhawaan xilkasi uu u magacaabay Madaxweyne Qoor-Qoor Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa maanta booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka Degmada Wisil.

Wafdiga ayaa booqday Xeryaha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ee Dagaalka kula jira Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab waxaana ay ku bogaadiyeen Ciidamada difaaca shacabka.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa la kulmay Saraakiisha Daraawiishta, kuwa Deegaanka iyo maamulka degmada Wisil waxaana ay ka dhegaysteen baahiyaha ka jira degaanka.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo Galmudug doonayso in gebi ahaanba laga saaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...