Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar ayaaย shir guddoomisay shirka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka socda magalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland.
Shirka oo socda maalintiisa sedexaad ayaa waxaa dood-dheer laga yeeshay horumarintaย sidii loo dhaqan gelin lahaa shuruucda Golahaย Baarlamaanka iyo maareynta ajendayaashaย Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJF

