afar ka mid ah dadkii Zoobe ku dhaawacmay oo loo qaaday turkiga.

Date:

Wasiirka caafimaafka Xukuumada soomaaliya DR Ali Haji Adam ayaa Galabta Garoonka aadan cadde ka sagootiyay 4 ka mid ah Dadkii dhaawacyada Culus kasoo gaareen weerarkii bahalnimo ee Khawaarijtu ka geesatay 29-Octobar isgoyska Zoobe.

Wasiirka ayaa sheegay In Gurmadka walaalaha Turkiga Uu ku Yimid Kajawaabidda Codsigii Madaxweynaha Qaranka eek u aadanaa in saaxiibada soomaaliya ay qayb ka qaataan caawinta dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Gumaadka Khawaarijta oo dagaal adag ay kula Jirto Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed.

Wasiir cali ayaa sidoo kole sheegay in dhawaan dalka aay soo gaarayaan dhakhaatiir ka socota dalka itoobiya si ay qayb kaga Noqdaan baxnaaninta dadkii qaraxyada ku dhaawacmay,

sidoo koleWasiirka ayaa   Dowlada Turkiga Oga mmahadceliyay Gurmadka walaalnimo iyo u dhaga Nuglaanshaha Dhibaatadii gaartay dadka soomaaliyeed.

Waxaa uu wasiirku sidoo kole u Mahad celiyay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed eek a howl gala Gudaha Dalka kuwaasi oo uu sheegay inay naftooda u Horeen badbaadinta dadkiii waxyeeladu kazoo gaartay Qaraxii Zoobe2.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...