Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Barre oo kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxii bahalnimo ee khawarijtu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan 29kii bishii dhammaatay.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee gurmadka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samatabixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii arxan darrada ahaa ee Khawaarijtu ka fuliyeen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...