Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta toogatay Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka fagaaraha Iskuul Bulusiya ee Magaalada Muqdisho waxaa ay xulunkii dilka toogashada ahaa kufulisay Saddex rag ah oo katirsanaa kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwaas oo lagu helay Qaraxyo ay ku dileen Shacab & Masuuliyiin kale.

Raggaan oo lagu kala Magacaabi jiray Xasan Macalin Cali Barre (Boy) , Abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay xukunka dilka toogashada ah kuriday Bishii December ee sanadkii 2019-kii.

Xasan Macalin Cali Barre (Boy)  ayaa sigaar ah loogu helay in uu wade ka ahaa Gaari qarax siday oo ku qarxay Suuqa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, halka Isaaq Keerow Aadan lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan & weeraro ka dhacay Gobolada, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Nuur Ibraahim Mahad-alle oo katirsanaa Ciidamada gaarka ah ee Booliska, balse sidà maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday Hub ay dowladdu laheyd, isla markaana uu intaasi kadib kubiiray khawaarijta, isaga oo ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada ah lagu riday 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019-kii.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Cuidamada Qalabka sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Warbaahinta u sheegay in saddex sano kadib dil toogasho lagu fuliyay Saddexda ragga ah ee katirssnaa kooxda khawaarijta Al-Shabaab laguna helay dilalka iyo weerarada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...