Ra’iisul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku beegsadeen maanta dadka maatida ah, waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaalamaayo Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Shabaab ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Al Shabaab oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay dabar goynta Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...