Madaxweyne Dani oo xalay Magaalada Garoowe kulan soodhaweyn ah ugu sameeyey Madaxweyanaha degaanka soomaalida

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay  casho sharaf ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Puntland,  Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay galinkii danbe booqasho ku tagay magaalada  Garoowe.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladd goboleedka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, waxaana kulanka Cashada kadib Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida lagu maamusay xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Madaxtooyada Puntland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...