Safiirka JFS ee Uganda oo kulan la qaatay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda.

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda u fadhiya Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa kulan kula qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Oryem Henry Okello.

Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay xoojinta xariirka labada dal iyo sidii loo dardar galin lahaa fulinta hishiisyadii dhawaan kala saxiixdeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale safiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo hishiisyadii lagu balansanaa in dhawaan la saxiixo ee kala ahaa socdaalka, waxbarashada iyo caafimaadka

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale wasiiru-dowlaha kala hadlay caqabado maalmahan lasoo gudboonaaday muwaadiniinta Soomaalida ee Uganda ku nool oo taas oo la xariirtay dhanka hay’adda socdaalka dowladda Uganda

Labada dhinac ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka 

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...