Wasiirka Dhalinyarada Oo Itobiya u aaday Dhiirigalinta Xulka.

Date:

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ethiopia, si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qarankeenna ee 17 jirrada ah oo berri ciyaa kama danbays ah la leh xulka South Sudan

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa Qaar kamid ah Wasiiro heer dowlad goboleed ah, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qaban doono Algeria

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...