Wasaaradda Warfaafinta oo War kasoo saartay Xariga Abdalla Muumin.

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda. Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.

Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala.

Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.

War saxaafadeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...