Madaxweyne Xasan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirrada Koonfur Afrika Iyo Bangaaladhesh

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Koonfur Afrika Mudane Mninwa Johannes iyo Bangaaladesh Mudane Tareque Muhammad.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Koonfur Afrika Mudane Mninwa Johannes oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjire Mninwa ayaa ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga, iyadoo Madaxweynuhu uu xusay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ballaaran ee ku dhaqan dalkaas iyo waxtarka ay u leeyahay kobaca dhaqaalaha labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Bangaaladesh Mudane Tareque Muhammad oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mohammad Abdul Hamid ayaa tilmaamay mudnaanta dalkiisu uu siinayo xiriirka ay la wadaagaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjiraha Cusub ee Banaaladesh Mudane Tareque Muhammad ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay heshiis la ahaato dunida, lana yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan horumar iyo wax wada-qabsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...