Maxkamada Gobalka Mudug oo Muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay gurigiisa

Date:

Xasan sheekh axmed cali xabeeb oo ah Aabe soomaaliyeed oo ku nool Galkacyo isla markaana da’diisa lagu sheegay 80 jir ayaa waxaa Maxkamada Gobalka Mudug ee Galmudug ay ku wareejisay dhul lahaanshihiisu uu muddo fog muran ka jiray kadib markii dhawaan Maxakamada Gobalka Mudug iyo tan racfaanku ay u xukumeen in milkiyada dhulkaasi si sharci ah ay u leedahay Shugri xasan Gureey sheekh axmed cali xabeeb oo uu wakiil u ahaa Aabaheed Xasan Gureey sheekh axmed cali xabeeb

Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Mudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali yuusuf oo uu wehliyo Taliyaha Saldhiga booliiska dagmasa Galkacyo  Cali xirsi Sahal ayaana ku dhawaaqay fulinta xukunka Maxkamadaha iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray

Muranka la xariira dacwooyinka dhulalka ayaa ah kuwo si aad ah ugu badan gobalka mudug waxaana sanado ka hor ay sababi jireen iska hor imaadyo dad ku geeriyoodaan haddase maxkamadaha Gobalka mudug marka aad booqato waxaa muuqanaya in bulshadu ay ku qanacsan yihiin in dacwooyinka dhulalka ay la aadaan maxkamadaha iyo Garsoorka halka sanado ka hor lagu gali jiray hab dhaqameed kaasoo ay adkeyd in xal kama dambeys ah laga gaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...