Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tacsiyadeeyey geeridii ku timid Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale

Date:

Muqdisho Oktoobar 09,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xiliyo adag usoo shaqeeyay qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...