Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho uga bilaabatay dalka Uganda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...