Maxaas oo 13 sanno kadib maanta ay gaareen wakiilo ka socday hey’adaha la shaqeeya QM

Date:

Wafdi ka socday hey’adaha QM ee ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka iyo gargaarka ayaa maanta gaaray magaaladda Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaana hogaaminayay Xildhibaan Maxamed Buraale iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore, waxaana degmada Maxaas kusoo dhaweeyay maamulka degmada ayada oo kadib kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka magaaladaasi.

 

Ujeedka Wafdigaan ayaa ahaa sidii kormeer ay ugu sameyn lahaayeen nolosha dadka deegaanka iyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xarumaha dowladda ee ku yaala magaaladaas iyo ceelashii biyaha ee dhawaan ay gubeen kooxaha Khawaarijta.

 

Waa Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda heyโ€™adaha caalamiga ah iyo saxibada Soomaaliya ee gaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii deeganada ku dhow dhow iyo wadooyinka gala magaaladaasi laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ah ee Al shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...