[DHAGEYSO] Ciidamada XDS oo Gobolka Shabeelada Hoose ku dilay horjooge sare oo katirsan kooxda arxanka daran ee Al-shabaab

Date:

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in degaanka Janaale Gobolka Shabeelada Hoose a ku dileen  Horjooge sare iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab, ka dib howlgallo ay ka sameeyeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Horjooga ah la dilay lagu magacaabo Maxamed Nuur Shire, isla markaasna Al-shabaab u qaabilsana gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Sidoo kale, waxaa howgalgalka lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, isla markana wehliyay Horjagahaan, sida uu warbaahinta  Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 66-aad Guutada 14-ka Oktoobar Xds.

 

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gobolada kawada howlgalo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab iyadaoo tan iyo markii howlgaladaas ay bilowdeen ay koxdaan iskaga careeren deegaano badan oo katirsan gobolada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...