Ciidanka Dowladda oo tiro Al-Shabaab ah ku dilay Shabeelooyinka

Date:

Ciidanka Dowladda ayaa 19 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, ka dib markii maleeshiyaad Argagixiso ah ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu Argagixisada ay ka saareen deegaanka Basra oo laga soo abaabuli jiray dhibaatooyinka argagixisada ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...