Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulan la qaatay danjiraha imaaraadka carabta ee soomaaliya.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka isutaga Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.
Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay sida ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta uga go’antahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaqeyn doonaan horumarinta iyo kor u qaadista tayada hawlwadeenada Golaha Shacabaka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amaanay Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...