Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Suudaan ee Somaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, isaga oo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa la iskula soo hadal qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada waddan. Waxaa kale oo lagu fallanqeeyay horumarka amniga iyo siyaasadda Soomaaliya iyo dadaallada bini’aadantinimo ee lagu caawinayo dadka ay abaaruhu wax yeeleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...