Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Suudaan ee Somaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, isaga oo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa la iskula soo hadal qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada waddan. Waxaa kale oo lagu fallanqeeyay horumarka amniga iyo siyaasadda Soomaaliya iyo dadaallada bini’aadantinimo ee lagu caawinayo dadka ay abaaruhu wax yeeleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Beeraha ee Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....