??????? ?????? ?? ?? ???????? ???????? ?? ????? ????????? ?? ?????? H??’????? ????????? ????????? ?? ?? ?????????? ????? ??

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada London kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska.

Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha dalka iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay in looga jawaabo ka hortaga macluul Soomaaliya ka dhacda.

Ergayga iyo wakiillada hay’adaha, saraakiisha Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ayaa isla-meel-dhigay in la dardar-geliyo ka jawaabista xaaladda abaaraha Soomaaliya, si looga hortago in abaaruhu u gudbaan heerka ugu daran ee macluusha.

Ergeyga oo dhawaan gaaray carriga Ingiriiska ayaa hore ula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Ingiriiska, Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada UK iyo Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ka sii horreeyay kulan uu New York kula yeeshay Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee UK, Vicky Ford.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaalka uu Ergaygu ugu jira u qareemidda iyo deeq u raadinta gurmadka abaaraha, si looga hor tago musiibo bani’aadannimo oo ka dhacda dalka. Ergayga ayaa ugu danbayn u mahadceliyey Hay’adda Save The Children oo kulanka martigelisay.

Ergeyga oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa 9 October 2022, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingriiska la qaadan doona kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen, si la mid ah kulamadii uu la soo yeeshay jaaliyadaha Waqooyiga America ee Maraykanka iyo Canada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...