??????? ?????? ?? ?? ???????? ???????? ?? ????? ????????? ?? ?????? H??’????? ????????? ????????? ?? ?? ?????????? ????? ??

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada London kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Ingiriiska.

Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha dalka iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay in looga jawaabo ka hortaga macluul Soomaaliya ka dhacda.

Ergayga iyo wakiillada hay’adaha, saraakiisha Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ayaa isla-meel-dhigay in la dardar-geliyo ka jawaabista xaaladda abaaraha Soomaaliya, si looga hortago in abaaruhu u gudbaan heerka ugu daran ee macluusha.

Ergeyga oo dhawaan gaaray carriga Ingiriiska ayaa hore ula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Ingiriiska, Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada UK iyo Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ka sii horreeyay kulan uu New York kula yeeshay Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee UK, Vicky Ford.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaalka uu Ergaygu ugu jira u qareemidda iyo deeq u raadinta gurmadka abaaraha, si looga hor tago musiibo bani’aadannimo oo ka dhacda dalka. Ergayga ayaa ugu danbayn u mahadceliyey Hay’adda Save The Children oo kulanka martigelisay.

Ergeyga oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa 9 October 2022, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingriiska la qaadan doona kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen, si la mid ah kulamadii uu la soo yeeshay jaaliyadaha Waqooyiga America ee Maraykanka iyo Canada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...