Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay Agaasimaha ILO ee Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay Agaasimaha ILO ee Geeska Afrik

Muqdisho , October, 2, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta la kulmay Mudane Alexio Musindo , Agaasimaha xafiiska ILO ee waddamada Soomaaliya , Itoobiya , Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha sannadeedka Hay’adda ee Soomaaliya , halkaa oo warbixin la xiriirta ay ku soo bandhigeen ILO, iyadoo sidoo kale laga hadlay xoojinta iskaashiga, taageerrada dadaallada Wasaaradda ee la xiriira horumarinta Shaqada , shuruucda iyo badqabka Shaqada iyo shaqaalaha.

“ Hay’adan ILO , waxay muhiimad u leedahay dadaalladeenna horumarinta leh ee Shaqada iyo Shaqaalaha .” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Hay’adda Shaqada Adduunka ILO ee waddamada Geeska Afrika , Alexio Musindo oo boggaadiyay sida ay uga go’antahay hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac , ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’antahay dhammeystirka iyo fulinta qorshayaasha shaqo ee wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...