Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta Xafiiska ku qaabiley wafdi ka socdey World Bank iyo Global Financing Facility (GFF)

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta Xafiiska ku qaabiley wafdi ka socdey World Bank iyo Global Financing Facility (GFF)

Wasiirka waxaa ku lanka ku wehliyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Wssiir ku xigeenka Agaasimaha Guud la taliyayaal iyo howl wadeenada Wasaaradda.

Wafdiga ka socdey Bangiga Aduunka ayaa soo dhawayn ka dib bogaadiyey in Wasiirku aqbalay doorka World Bank uu ku leeyahay horumarinta qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo xaajinta adeegyada caafimadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa xubnaha kasocday World Bank u gudbiyaya  aragti guud oo kusaasbsan siyaasada Wasaaradda isagoo dhanka kalana  Bangiga Aduunka kaga dhaeystay  warbixin ballaaran oo ku aadan qorshaha  horumarinta Caafiimaadka iyo Daryeelka Bulshada. ee Bagiga Aduunka.

World Bank ayaa Soomaaliya ka taageera Mashaariic waawayn oo lagu horumarinayo Caafimaadka iyo Daryeelka Soomaaliya sida Mashruuca DAMAL Caafimaad, horumarinta Caafimaadka qoska, iyo fullinta Xirmooyinka Caafimaadka Assasiga iyo Tallaalka COVID-19 oo ah qeybaha ugu muhiimsan baahiyaha dhanka Caafimaadka.

Madaxda World Banka ayaa hoosta ka xariiqey in ay xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda iyo in kaalin wax ku ool ah ay ka qaadan doonaan geediga loogu jiro horumarinta Caafimaadka Soomaaliya oo soo gaarey meel fiican oo laga jaan qaadi karo si ay qeyb uga noqdaan qorsha xal u hellidda baahiyaha aas aasiga ah ee Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa bogaadiyey doorka Bangiga Aduunka uu ku leeyahay horumarinta Caafimaadka iyo sida ay uga go’an tahay iskaashiga ku saleysan in Soomaaliya qeyteeda Caafimaadka uu kor usoo kaco gaar ahaan in xal laga gaaro qeybaha ay sida gaarka ah u taageeraan.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegey in ay sii xoojin doonaan wada shaqeyntii ay la laleeyihiin World Bank isagoona soo hadal qaadey ballaarinta qeybaha ay Caafimaadka ka taageeraan maadaama Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho dhankasta si gaar ah qeybta Caafimaadka oo ah baahi si guud iyo si gaar ahba uga jirta Dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...