Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso

Date:

In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqilaabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray.

Sagaal bilood uun ka hor ayay ahayd markii uu Lt. Col. Damiba, uu inqilaabka ku qabsaday xukunka dalkaas.

War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa lagu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hoggaamiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Burkina Faso.

Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka.

Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha ayaa ayaa u sii socday si aan kala joogsi lahay, waxaana sii kordhay niyad-jabka ay bulshadu ka muujisay hoggaamintiisa.

“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka dhigay oo lagu magcaabo Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho.

Madaxweynaha la sheegay in la inqilaabay Damiba ayaa hadda uun ka soo laabtay golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo metelaya dawladda Burkina Faso. Damiba ayaa khudbadiisii golaha guud, ku difaacay afgembigii uu sameeyey bishii January isaga oo ku tilmaamay inay ahayd arrin ku saabsan badbaadada qaranka ee dalkiisa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura...