Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Argagixisada Shabaab

Date:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka  Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa  magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Argagixisada Arxanka daran ee Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanaka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay baahida loo qabo taageeridda iyo dhirigelinta Ciidanka degaanka ee Hirshabelle uu Baarlamaanka Hirshabelle iska jaray Mushaarkiisa si uu ugu taageero una dhirigeliyo shacabka iyo ciidamada deegaanka.

 

 

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in la Magacabay Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo ka qeyb qaadaaya sidii gurmad iyo gargaar loo gaarsiin lahaa degaannada dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab ee kuyaalla Gobolka Hiiraan, waxaana ay kala yihiin Xubnaha Guddiga.

 

1: Xildhibaan  Siraaji Sheikh Isaaq Abdulle Guddoomiye

 

2: Xildhibaan Maxamud Axmed Gacal  Xubin

 

3: Xildhibaan  Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) Xubin

 

4: Xildhibaan Cabduladhiif Maxamuud Xaaji Cabdi Xubin

 

5: Xil. Axmed Cali Abuukar  Xubin

 

6:Xildhibaan Saciid Hagar Camalow Xubin

 

7 Xildhibaan  Maxamuud Sheekh Cali Xubin

 

Degaano iyo degmooyin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, xilli dad farabadan oo kunool degaannadaas ay horayu wajahayeen Colaad beeleedyo iyo macluul ka dhalatay abaarta kajirta degaannada Maamulkaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo Oslo kula kulantay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Norway

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim...