Kiisaska Ebola ee Uganda oo kordhay xilli uu fidaya cudurka

Date:

Tirada dadka looga shakisan yahay in ay qabaan cudurka Ebola ee dalka Uganda ayaa sii kordheysa.

 

Maamulka wuxuu sheegay in ay jiraan 34 kiis oo cusub oo laga shakisan yahay kuwaas oo aan dhammaantood weli la xaqiijin.

 

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada.

 

Dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaaraya lix qof toddobaadkii uu horreeyey ee Bishan.

 

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Uganda waxay rumeysan yihiin in 21 qof ay u dhinteen feyraska Ebola.

 

Waxay wadaan dadaallada lagu baadi goobayo qof kasta oo la kulmay dadka looga shakiyay cudurka.

 

Cudurka Ebola ee ka bilowday degmada dhacda bartamaha Uganda ee Mubende ayaa wuxuu haatan ku faafay deegaannada kale ee deriska ah.

 

Ilaa iyo la hadda ma jirto wax kiis ah oo laga xaqiijiyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

 

Waa markii afaraad uu cudurka Ebola ka dilaaco dalka uganda.

 

Dalalka deriska ah Uganda waxay sheegeen inay galeen xaalad fejignaan ah si looga hortaggo cudurka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...