Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineysa Dhainyaro ku xirnaa dalka Liibiya

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 27 bishan oo bari ku beegan inay Dalka dib ugu soo celineeyso ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda, hayeeshee lagu xiray dalka liibiya.

 

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

 

 

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA  u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya bari oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo dhibaato badan la kulmay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen si dib loogu soo celiyo dalkooda.

 

Safaaradda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka, waxaana horay dalla dib loogu soo celiyay Muwaadindiin Soomaaliyeed oo ku xirnaa qaar kamid ah dalalka Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...