Kiisaska Ebola ee Uganda oo kordhay xilli uu fidaya cudurka

Date:

Tirada dadka looga shakisan yahay in ay qabaan cudurka Ebola ee dalka Uganda ayaa sii kordheysa.

 

Maamulka wuxuu sheegay in ay jiraan 34 kiis oo cusub oo laga shakisan yahay kuwaas oo aan dhammaantood weli la xaqiijin.

 

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada.

 

Dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaaraya lix qof toddobaadkii uu horreeyey ee Bishan.

 

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Uganda waxay rumeysan yihiin in 21 qof ay u dhinteen feyraska Ebola.

 

Waxay wadaan dadaallada lagu baadi goobayo qof kasta oo la kulmay dadka looga shakiyay cudurka.

 

Cudurka Ebola ee ka bilowday degmada dhacda bartamaha Uganda ee Mubende ayaa wuxuu haatan ku faafay deegaannada kale ee deriska ah.

 

Ilaa iyo la hadda ma jirto wax kiis ah oo laga xaqiijiyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

 

Waa markii afaraad uu cudurka Ebola ka dilaaco dalka uganda.

 

Dalalka deriska ah Uganda waxay sheegeen inay galeen xaalad fejignaan ah si looga hortaggo cudurka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo...

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka  Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta...

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud...