Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5aad ee Golaha deegaanka Dagmada kulankiisii koowaad kaa oo ka qabsoomay Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.
Kalfadhigaan ayaana waxaa ka soo qeyb galay gudoomiye Ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xoghayaha Dowladda Hoose, Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.
Kalfadhiga shanaad kulankiisa koowaad ayaa waxaa diiradda lugu saaray lana soo jeediyay ajandayaal dhowr ah isla markaana ay ka mid ahaayeen miisaaniyad sanadeedka 2023_2024Xeerka ganacsiga Warbixinta kalfadhiga iyo kulanka dadweynaha.
Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaana ugu danbeeyn si aqlabiyad leh ku ansixiyay ajandayaashii maanta la horkeenay.