Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga gaarka ah Mr. Swan ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira maanta iyo qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen.
Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda DanQaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...