Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka oo saakay kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada fara kutiriska ah oo argagixisada Al shabaab kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay in kooxaha argagixisada ay isaga carareen deegaanka kahor inta aysan ciidanka gaarin.
Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori isla markaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...