Duqa Dagamada Galkacyo oo Tababar usoo xiray Golaha Deegaanka Galkacyo (SAWIRO).

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta Galmudug ayaa Maanta tababar u soo xiray xubno kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Howlwadeenada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Galkacyo kaas oo sare loogu qaadayay aqoontooda ku aadan hirgalinta mashaariicda Horumarinta ee laga fulinaayo degmada Gaalkacyo.

Tababarkan oo Mudo 3-maalmood soconayay ayaa waxaa fududeeyey wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug iyo Hay’adda UNCDF waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo fursadaha ka faa’iidaysiga mashaariicda Dowladaha hoose ee JPLG, kaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ku taageeraan qaar kamid degmooyinka Dalka.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaana ugu danbeyntii shahaadooyin gudoon siiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Maamulka oo dhameystay tababarka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...