Xubno ka socday Guddiga shaqaalaha Rayidka oo kulan la qaatay wasiiro katirsan XFS

Date:

MUQDISHO: 19:09:2022, Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Wasiiradda ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Xubno socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay dowrka Haweenka ee adeeg bixinta, tayaynta, kordhinta, kobcinta aqoonta & xirfadda Haweenka ku jira Shaqaalaha Rayidka.

Xubnaha ka socday Guddiga ayaa warbixin ka siiyey haweenka ku jira Shaqaalaha Rayidka & dowrkooda ku aaddan adeeg bixinta. Sidoo kale, wafdiga ayaa la wadaagay qorshaha Guddiga ee Horumarinta haweenka ku jira Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiiradda ayaa sidoo kale warbixin ka siisay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadda haweenka maaddaama ay dumarku laf dhabar u yihiin Bulshada Soomaaliyeed.

Geba-gebadii, labada dhinac ayaaa hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in la iska kaashado arrimaha sare ku xusan.

Ugu dambayn, Wasiiradda iyo musuuliyiinta kale ayaa Guddiga ku ammaanay sida ay markasta u ilaaliyaan xuquuqda Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo fursad siinta haweenka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...