Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya , ayaa maanta tababar usoo xeray waaxyaha shaqaalaha ee hey’adaha kala duwan ee dowladda

Date:

MUQDISHO: 19:09:2022, Xoghayaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane, Deeq Ciise Cumar ayaa maanta u soo xirey Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax-Qeebeedyada Hay’adaha Dowladda Tababarkii ku saabsanaa Maareynta Heshiisyada iyo waxqabadka Shaqaalaha (Contact and Performance Management Training).

 

 

Tababarkaan oo maalmahan guddiga shaqaalaha ay u qabteen hay’adaha dowladda ayaa waxaa ka faa’iidaystey dhammaan Agaasimeyaasha waaxyaha shaqaalaha iyo Madaxa-Qaybyada & Hawlwadeenada waaxyaha shaqaalaha 25 ka mid ah Hay’adaha Dowladda.

 

 

Ugu dambeyn, xoghayaha  ayaa shaqaalaha qaadanayay tababarkan kula dardaarmay in ay ugu faa’ideeyaan wixii ay barteen shaqaalaha isla markaasna ay dhaqangeliyaan aqoonta ay halkaan ka faa’iideen.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...