Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Date:

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha ayuu ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.

Mudane Gaani ayaa kula dardaarmay hoggaanka hay’adda iyo guddiga gurmad abaaraha in la sii xoojiyo dadaallaada socda, iyadoo muhiimad wayn la siinayo gacan qabashada dadka jilicsan ee abaaruhu saamyeen.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay lala gaaro wixii la hayo, dib u dhac walba oo yimaadana uu xaaladda ka sii dari karo.

Dhankooda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo Guddiga Abaaraha ee heer qaran oo iskaashanaya ayaa soo bandhigay deegaanno badan oo la gaar siiyey gurmadka iyo kuwa qorsheysan in loo diro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...