Argagixisada Al-Shabaab oo xalay qarax la beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo maraeyey deegaan u dhaw Degmada Buulo-Burde

Date:

Argagixisada Al-Shabaab ayaa xalay qarax la beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde.

Sida ay Warbahinta Qaranka  u xaqiijiyeen weriyaasha gobolkaas 5 qof oo nabadoono u badan ayuu haleelay qaraxaas oo ahaa miino wadada la geliyey, waxaana goobta ku geeriyootay 4 qof, halka qofkii kale dhaawac daran goobta looga qaaday.
Dadkaan aan waxaba galabsan ee arxan laaweyaasha Al-Shabaab ay qaraxa ku dileen ayaa kala ah:
1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2 – Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
2- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...