Ciidamada Gaarka ah ee Dowladda oo howgal ka fuliyey Gobolka Shabeelada Hoose

Date:

Ciidamada gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50, oo argagixisadu ay ku lahaayeen Maxkamad Beenaad ay ugu yeeraan shacabka si ay ugu dhacaan hantidoodana ay xoog uga qaataan.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...