Xukuumada Dawlada Deegaanka Somaalida Galbeed oo deeq gaarsiisay maamulka Gobolka Hiiraan

Date:

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Degmada feer-feer ee Gobalka shabelle ee Dowlad Deeganka soomaalida ee Ethiopia ayaa kulan la qaatay  masuuliyiin ka soctay Dowlad deeganka somaalida uu Hogaaminayo Hogaan ku-xigeenka  Nabad-galyada Dowlad deeganka iyo  Gudoomiyaha Gobalka Shabelle mudane Aadan Ahmed sooyaan iyo madaxda hogaanka xafiiska  Nabad-galyada ee Dowlad  deeganka somaalida iyo saraakishooda,

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Maamulka Gobalka shabelle ee Dowlad deeganka somaalida kala wareegay sahay Gar-gaar oo ay ku garab istaagayeen gulufka Howlgalada ka Dhanka ah Qawaariijta Al-shabaab Ee lagula dagaalamayo Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Shabelle Mudane  Aadan  Ahmed sooyaan ,ayaa Maamulka Gobalka hiiraan ku Wareejiyey Deeq garab istaagid ah oo Dowlad Deeganka somaalida ee ugu Tala galeen Howlagalka ka dhanka maleeshiyada Argagixisada Al-shabaab oo isugu jirto qalab ciidaan Adeegyo cafmaad, Gawaari, iyo Raashiin.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa u mahad-celiyey madaxda sare ee Dowlad deeganka somaalida Gudoomiyaha Gobalka shabeele iyo hogaan ku-xigeenka  xafiiska Nabad-galyada ee Dowlad deeganka iyo saraakisha Ciidamada ee Liyuu-poolice asigoo xusay in aay Qeyb ka tahay Dareenka walaalnimo Ee Dhexyaalo Qaluubta shacabka soomaaliyeed Taas oo ah mid aaysan Birina goyn karin biyane meyri karin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...