Xubno Ka Tirsanaa Alshabaab oo Lagu soo Bandhigag Wisil (SAWIRO).

Date:

Xasan Nuur Daleel ( Afgarasho)  iyo Maxamed Nuur Xasan waxay ka mid ahaayeen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Al shabaab waxay isku soo dhiibeen Ciidamada Deegaanka, dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ee koonfurta Gobolka mudug Gaar ahaan Aaga Wisil

Raggaan oo ah 2nin oo Muddo kasoo Mid ah Argagixisada alshabaab ayaa Maanta  saraakiishu kusoo bandhhigeen Saldhigyada Ciidamada ee koonfurta Gobolka mudug Gaar ah Degmada Wisil.

Raggaan oo iska Soo Dhiibay Aagga Deegaanka Qeycad ee bariga Gobolka mudug ayaa U Waraysi aay siiyeen  Warbaahinta Qaranka waxaa aay Ku sheegeen inay shabaab isaga soon Baxeen Kadib markii aay Ku Qanci Waaayeen Gabood-falada aay geesanayaan iyo Ka been Sheegidda Diinta Islaamka.

Saraakiisha Daraawiishta ayaa tilmaamay inay dhagar qabayaashaani kasoo goosteen dhibaatadii Maleeshiyaadka Al shabaab ayna si wanaagsan u soo dhaweeyeen sidoo kale Saraakiisha ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadka wali howdku ku dhuumaalaysanaya inay kasoo baxaan oo ay naacowda Qaranka usoo baxaan

Shiikh Cabdi manaan oo ka tirsan Culumada naftood hurayaasha ayaa qeexay in qofka Bini’aadamka ah toobadu u furan tahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...