Wasiirka Beeraha XFS oo Rwand kaga Qayb galay shir madaxeedka Kacaanka Madasha Cagaaran ee Afrika.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka JFS iyo wafdi uu hogaaminaaye ayaa kaga qeyb-galey caasimada Rwanda ee Kigali shir weynaha AGRF-Summit (Africa Green Revolution Forum- Summit) oo ah madal sanadla’ ah oo ay Qaarada Africa kaga arrinsato horumarinta waxsoo saarka beeraha iyo sugnaanta cunnada. Waxaa kasoo qeyb-galey sanadkaan dad ka badan 3500 oo isugu jiro madax sarsare ( madaxweynayaal iyo wasiiro), maalgashato, deeq bixiyaal (WB, AfDB, IFAD) hay’adaha kashaqeeyo beeraha, aqoonyahano, cilmi baarayaal iwm.

Waxaa lagu lafa gurayaa waxyaabaha hortabinta u leh waddan walba, caqabadaha ku geedaaman waxsoo saarka beeraha iyo sidii la-isaga kaashan lahaa qaarad ahaan iyo mowduucyo kaloo fara badan.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa fursad u helay inay shir doceedyo (side meetings) la yeeshaan mas’uuliyiin iyo wakiilada deeq bixiyaasha iyo hay’adaha muhiimka ee kala shaqeyn kara wax ka qabashada beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...