Wasiirka Beeraha XFS oo Rwand kaga Qayb galay shir madaxeedka Kacaanka Madasha Cagaaran ee Afrika.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka JFS iyo wafdi uu hogaaminaaye ayaa kaga qeyb-galey caasimada Rwanda ee Kigali shir weynaha AGRF-Summit (Africa Green Revolution Forum- Summit) oo ah madal sanadla’ ah oo ay Qaarada Africa kaga arrinsato horumarinta waxsoo saarka beeraha iyo sugnaanta cunnada. Waxaa kasoo qeyb-galey sanadkaan dad ka badan 3500 oo isugu jiro madax sarsare ( madaxweynayaal iyo wasiiro), maalgashato, deeq bixiyaal (WB, AfDB, IFAD) hay’adaha kashaqeeyo beeraha, aqoonyahano, cilmi baarayaal iwm.

Waxaa lagu lafa gurayaa waxyaabaha hortabinta u leh waddan walba, caqabadaha ku geedaaman waxsoo saarka beeraha iyo sidii la-isaga kaashan lahaa qaarad ahaan iyo mowduucyo kaloo fara badan.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa fursad u helay inay shir doceedyo (side meetings) la yeeshaan mas’uuliyiin iyo wakiilada deeq bixiyaasha iyo hay’adaha muhiimka ee kala shaqeyn kara wax ka qabashada beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...